Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

9 CAADO OO NOLOSHAADA WAX KA BADALI DOONA

 




1- KA KAC HURDADA AROORTII 5 AM

Kicista xilli hore aroortii waxa ay la macno tahay in aad ka horayso qofwalba, xilli hore oo aad toostaana waxa ay ku siinaysaa faa'idooyin badan oo aad ku maarayso wakhtigaaga sida in aad samayso jimicsi, in aad dejiso qorshahaaga maalintaas, in aad hore u dhamayso hawlahaaga ganacsi ama shaqooyinkaaga nolol maalmeedka kuu ah iyo in aad wax soosaar naf ahaaneed samayso. Waa dariiqo aad u cajiib badan oo lagu gaadho guulo badan oo adduun iyo aakiro ah.


2- QOR AFKAARTAADA INTA AADAN SEEXAN

Qorista afkaartaada inta aadan seexan waxa aad ka helaysaa hurdo wanaagsan oo tayo leh maskax degan iyo caafimaad qab jidheed, hadaba qor waxyaabahan inta aadan seexan amaba hurdada kahor habeenkii.

  • Waxyaabaha iyo goolasha aad barri qabanayso haddii Alle nafta kuu daayo
  • Waxyaabihii aad ku guulaysatay maalintaadii dhamaatay qabashadooda
  • Afkaarta madax xanuunka leh amaba kugu lidka ah si aad uga nasato.

Waxa aad heli doontaa maan fayow iyo maskax caafimaad qabta.


3- KU BARO ONLINE XIRFAD CUSUB 30 MINIT OO MAALINTAADA KAMIDA

Barashada xirfad cusub marwalba waxa ay kaa caawinaysaa korodhka miisaaniyadaada iyo koboca garaadkaaga iyo darajooyinkaaga kala duwan ee nolosha, halkan aan kugula wadaago qaar kamida xirfadaha ugu waawayn uguna baahida badan dunida aadna ku badhaadhi doonto haddii aad barato

  • Coding: baro sida loo aasaaso website, application iyo softwares kala duwan adiga oo baranaya luuqadaha kala duwan ee qorista codes-ka

  • Youtube: baro habka iyo qaababka kala duwan ee wax looga baadho shabakadda youtube iyo qaababka wax looga barto adiga oo aan wax qarash ah bixin.

  • Copywriting: baro sida loo qoro xuquuqaha iyo maqaalada sharciga ah ee ay u baahanyihiin shirkadaha iyo ganacsatada kala duwan.

  • Digital Marketing: baro qaabka suuq gaynta casriga ah ee online
  • Graphic Design: baro noocyada kala duwan naqshaydaynta.


4- KU BIXI 1 SAAC OO WAKHTIGAAGA KAMIDA JIMICSI

Jimicsigu wuxuu kamidyahay waxyaabaha kor u qaada heerka badqabka caafimaad ee jidhka iyo maskaxda, jimicsi samee maaliwalba wakhtigaaga hal saac oo kamida adiga oo u samaynaya qaababka kala duwan jimicsiga.

5- FADHIISO CIDLO OO AAMUSNOW 10 MINIT OO MAALINTAADA KAMIDA

Maskaxdaadu waxa ay lagdan iyo orod kula jirtaa kumanaan afkaar oo maskaxdaada ka dhex loolamaya daqiiqad kasta oo wakhtigaaga kamida markaa isku day in aad nasiso oo aamusnaan iyo deganaan aad siiso daqiiqado kamida wakhtigaaga.


6- U SAMEE HURDADAADA WAKHTI CAYIMAN

Hurdadu waa kaalin wayn oo kamida dhaqdhaqaaqa noloshaada, hurdada waxa aad ka helaysaa awood, badqab caafimaad, maan fayow, dhimitaanka werwerka iyo murugada iyo hagaajinta diiradaada hadaba samee waxyaabahan si aad u hesho hurdo tayo leh.

  •  Iska ilaali wax shaashad ah ka hor laba saac xiliga hurdada sida mobile, computer ama tv.

  • Iska ilaali cunto iyo cabitaan aan biyo ka ahayn kahor laba saac xiliga hurdada
  • Ka dhig qolkaaga ama meesha aad seexanayso meel habaysan oo degan iskuna qasnayn.


7- KU QAADO 30 MINIT OO WAKHTIGAAGA KAMIDA SOCOD LUG AH BEER AMA MEEL DHIR LEH DHEXDEEDA

Tani waxa ay kaa caawinaysaa in aad xal u hesho werwerkaaga nololeed, diiqada ama murugada iyo sidoo kale in aad farxad ka hesho jawigaas degan maskaxdaaduna degto afkaar wanaagsana aad hesho.


8-AKHRI UGU YARAAN 20 BOG BUUGAAG AMA QUR'AAN MAALINTII

Wax akhrisku waa wax muhiim u ah garaadkaaga iyo koboca heerkaaga aqooneed akhri 20 bog ugu yaraan maalin kasta siaad u saxdo diiradaada una kobciso heerka aqoontaada sida oo kale aad u hesho kalsooni nafeed.


9-BADI CABITAANKA BIYAHA MARWALBA

Biyuhu waa qayb kamida nolosheena iyo daryeelka caafimaadkeena maskaxeed iyo jidheedba cab maalin walba biyo kugu filan ugu yaraan 1 litir xili walba oo aad wax cunayso, waxaa koraya maskaxdaada, caafimaadkaaga iyo heerka xasuustaada.


23 February 2023

Translated from Unkown


Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya...

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...