Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

BADWAYNTA NOLOSHA


Noloshu waa sida bad-waynta oo kale waxa ay leedahay mawjado dhirbaaxo daran wakhtiyada qaarna aad ku hafanayso, ka dabaalashadeeda iyo ka gudbida mawjadahaa waawayn waxa ay u baahanyihiin geesinimo iyo dhabar adayg haddii aad is dhigato oo aadan ku dhiirrana waa ay kula degaysaa haddiiba aad quustana waa ay adagtahay sida aad uga baxayso, tani waxa ay la macno tahay noloshan aynu ku noolnahay ee inagu qaabilaysa wejiyo kala duwan iyo duruufaha qalafsan ee qofka aan ildheer u lahayn xeeshiisuna yartahay judhaba quus soo istaajinaysa isuna arkayo in uu yahay mid guuldarraystay oo aanay fursado kale u hadhin.

Waxaa jira laba dariiq uun oo nolosha loo hab-raaco waa midka koowaade waa dariiqa Allah (swt) kuu jeexay oo diin iyo yaqiin ku dhisan loona baahanyahay in aad noloshaada ku dabaqdo haddii aad ka leexatana aad waayayso dariiqii kale isla markaana aad ku dhex anbanayso bad-waynta nolosha, waa midka labaade waa kan aad adigu jeexatay una soo bandhigaya bulshada iyo adduunkaba in aad qof jira tahay, dariiqani waa ka aad ku jaangoynayso ahdaafta iyo qorsheyaasha aad nolosha ka leedahay una halgamayso haddii ay shaqo noqoto iyo haddii ay ganacsi iyo waxbarasho noqotaba.

Labadan dariiq haddii aad ka weecato waxaa ku liqaysa oo aad quusaysaa bad-waynta nolosha wayna adagtahay kasoo kabashadeedu, haddii aynu macne kale u samayno si aad u fahamto waxa ay noqonaysaa in aad qaadato magaca ah "Hebel nolosha ayuu ka dhacay" tanina waxa ay xaqiijinaysaa haddii qofku garan waayo ujeedooyinka iyo mabaa dii'da uu u noolyahay in uu ku dhex anbaday nolosha kuna haftay mawjadaha waawayn ee ay ku qaabishay.

Haddaba si aad ugu noolaato nolol qiimo badan una ahaato qof jira waa in aad mabd'a iyo ujeedo cad lahaato sidookalena waa in ay kuu qorshaysnaadaan dariiqooyinka aad marayso iyo halka aad rabto in aad ka gaadho nolosha inta ay naftu kugu baaqiga tahay, jalaafooyinka iyo jidadka qodxaha badan ee ay leedahay noloshu waa ay kuu horseedi karaan guuldarro, niyad jab iyo murugo se waa in aad marnaba is dhiibin oo aad cashar ka barataa marxalad walba oo aad marto.

Wakhtiyada qaar waxaa dhici karta in ay guuldarradaada sabab u noqdaan bulshada iyo dadka aad la nooshahay hadaladooda iyo hab dhaqankooduna ku marin habaabiyo taasina looma baahna in aad dheg jalaq u siiso ee waa in aad marwalba hore uga socoto diiraddana aad saarto hadafkaaga iyo ujeedada geedigaagu u raran yahay, waxaa kale oo badanka dhacda in ay caadooyinka xun-xuni ku dabraan oo aad u hogaansanto dareenadaada taasina ay sababto in aad quusto bad-waynta nolosha.

Gunta iyo gaba-gabadu waa in aanad ka dhicin doonta nolosha si aad uga badbaado ugana gudubto bad-waynta nolosha.


Barkhad Hassan

Nov 4 2022

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...

SABABAHA KEENA IN GABADHU DOORATO WIIL XUN

    Dunidani marba marka kasii danbaysa waa ay isasii badalaysa dhaqamo iyo dabeecado kala duwan ayaa kusoo biiraya. Is badalkaasina waxa uu saamayn xoogan ku yeelanayaa dhalinyarada hablo iyo wiilalba. Halkan waxaan kugula wadaagayaa sababaha keena in gabadhu ay wiil xun doorato amase qof nolosheeda burburiya oo ah ka qoomamayso inbadan. 1-TECHNOLOGYADA OO SAAMAYN TABAN KU YEELATAY DHALINTII Marka la barbar dhigo dhaqamadan maanta jira kuwii dadyawgii hore waxaad dareemaysa in wax badan is badaleen Tan iyo intii ay technologyadan casriga ahi kusoo biirtay aduunkana waxaa sii dabar go'ayay dhaqamo badan. Jacaylkii iyo haasaawihii waxaa loo badalay hab cariyayasan oo ah (Online) qofwaliba wuxuu maanta dhex mushaaxayaa baraha bulshada iyo technologydan casriga ah si uu u helo qof uu la haasaawo amaba sheeko jacayl dhex marto taasina ay sababtay in ay isbadasho noloshii xaqiiqada ahayd . Inantii waxay dhex taagantahay baraha bulshada waxay wada sheekaysi la yeelanaysa wiilal bada...

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...