Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo • Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya. • Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...
Noloshu waa sida bad-waynta oo kale waxa ay leedahay mawjado dhirbaaxo daran wakhtiyada qaarna aad ku hafanayso, ka dabaalashadeeda iyo ka gudbida mawjadahaa waawayn waxa ay u baahanyihiin geesinimo iyo dhabar adayg haddii aad is dhigato oo aadan ku dhiirrana waa ay kula degaysaa haddiiba aad quustana waa ay adagtahay sida aad uga baxayso, tani waxa ay la macno tahay noloshan aynu ku noolnahay ee inagu qaabilaysa wejiyo kala duwan iyo duruufaha qalafsan ee qofka aan ildheer u lahayn xeeshiisuna yartahay judhaba quus soo istaajinaysa isuna arkayo in uu yahay mid guuldarraystay oo aanay fursado kale u hadhin. Waxaa jira laba dariiq uun oo nolosha loo hab-raaco waa midka koowaade waa dariiqa Allah (swt) kuu jeexay oo diin iyo yaqiin ku dhisan loona baahanyahay in aad noloshaada ku dabaqdo haddii aad ka leexatana aad waayayso dariiqii kale isla markaana aad ku dhex anbanayso bad-waynta nolosha, waa midka labaade waa kan aad adigu jeexatay una soo bandhigaya bulshada iyo adduunkaba in aad q...