Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo • Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya. • Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...
Qoomamo iyo ciil walbahaar aan kala go' lahayn, cunto la'aan gaajo fikir saameeyay muuqayga qofwalba oo dhankayga Soo jaleecaana dareemayo inay dhibaato i haysato. Shan maalin kadib ayaan kasoo baxay qol haddii aad gasho aadba u malaynayso inay reer ubad badan lihi deganaayeen, waa subax hore dadku shaqooyin ayay kusii wada kalahayaan qaar gaadiid ayay wataan qaar kalena lugtooda ayay maalayaan balse anigu si xoog badan ayaan u talaabaynayaa, isla subaxdan aan ku suganahay waxaa la iisoo sheegay in shaqo la ii helay waxaan aad ugu hamuun qabaa inay is badasho noloshaydu qof shaqaysta oo horumar gaadha inaan noqdo ayaan aad ugu han waynahay. Waxa isii sugayay saaxiibkay haaruun oo isoo war galiyay shaqadan saaka la iigu yeedhay. Salaan iyo bariido kadib waxaa la iisoo bandhigay shaqadu nooca ay tahay run ahaantii maan doonayn shaqo noocana balse maadaama aan bilaa camal ahay maalmo noloshayda ku qadhaadhaana aan soo maray waxaan ku qancay inaan shaqaysto naftaydana ku qanciyo in...