Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo • Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya. • Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...
Dunidu maanta casribay noqotay (digital) waxwalba waxaa ay noqdeen fudayd waxbarashadii, cilmigii, aqoontii, ganacsigii, xirfadihii iyo waxwalba oo maankaaga kusoo dhaca naftaaduna jeclaysato waxay isku badashay duni qofwalba si fudud ku horumarin karo noloshiisa. Halkan waxaan kugula wadaagayaa waxa ugu wanaagsan ugu fudud uguna koritaanka badani in uu yahay xirfada, xirfadu noocay doonto ha ahaato mida aad barataaba waxay noqon doontaa dhaxal aad adigu iska leedahay dunidana meeshaad doonto wax kaga cuni karto, sidoo kalena aad kaga shaqaysan karto. Maanta inaad xirfad cusub barataa way sahlantahay wayna fududahay, xirfadaha ayaa sii kala duwan qaar ku shaqayntooda ayaa adag qaarna ku shaqayntooda ayaa fudud, inaad makaanik, gaadhi maydhe, guri dhise, laydhle i.w.m noqotaa way adagtahay ku shaqayntoodu sikastoo aad lacag uga faa'idayso hadana waa inaad xoogaaga ku shaqayso. Sidookale inaad graphic designer, web developer, online marketer, video editor i.w.m noqotaa way fududahay ...