Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

SABABAHA KEENA IN GABADHU DOORATO WIIL XUN

 

 


Dunidani marba marka kasii danbaysa waa ay isasii badalaysa dhaqamo iyo dabeecado kala duwan ayaa kusoo biiraya.
Is badalkaasina waxa uu saamayn xoogan ku yeelanayaa dhalinyarada hablo iyo wiilalba.
Halkan waxaan kugula wadaagayaa sababaha keena in gabadhu ay wiil xun doorato amase qof nolosheeda burburiya oo ah ka qoomamayso inbadan.

1-TECHNOLOGYADA OO SAAMAYN TABAN KU YEELATAY DHALINTII


Marka la barbar dhigo dhaqamadan maanta jira kuwii dadyawgii hore waxaad dareemaysa in wax badan is badaleen
Tan iyo intii ay technologyadan casriga ahi kusoo biirtay aduunkana waxaa sii dabar go'ayay dhaqamo badan.
Jacaylkii iyo haasaawihii waxaa loo badalay hab cariyayasan oo ah (Online) qofwaliba wuxuu maanta dhex mushaaxayaa baraha bulshada iyo technologydan casriga ah si uu u helo qof uu la haasaawo amaba sheeko jacayl dhex marto taasina ay sababtay in ay isbadasho noloshii xaqiiqada ahayd .
Inantii waxay dhex taagantahay baraha bulshada waxay wada sheekaysi la yeelanaysa wiilal badan mana kala taqaan mid xun  iyo mid wanaagsan, midka ay doorato ayaa ay si fudud waxwalba gacanta ugu galinaysa hablaha oodhana ma wada aha sidaa balse waa dhacdooyinka ugu badan ee maanta taagan. Kadib inantii halkaa waxay kala kulmaysa foolxumo iyo sharaf darro ama fadeexad bulshada ku dhex baahda.


2-DEGDEGA


Hablaha waxaa ku jira degdeg farabadan, wiilbay maanta is baranayaan isla markaaba waa ay iska jeclaanaysa kadib guur ayuu usoo bandhigayaa waa ka ogolaanaysa kadib markay bil ama laba is qabaan waa ay is furayaan, maxaa waxaa soo dhan sababay? waa degega. Ogow gabadhyahay wiilku mid kale ayuu iska guursan barri balse adigu maxaad samayn, waxad noqonaysa garoob ama carmal sidaas darteed iska ilaali degdega badan oo inta aadan jeclaan wiilka aad rabto baro dhaqankiisa iyo dhamaan noloshiisu waxay ku salaysantahay, ogow qofwalba wuxu so horumariyaa intiisa wanaagsan markaa iska ilaali kana digtoonow in aad naftaada iyo noloshaada ku aaminto wiil aanad noloshiisa aqoon, isaga shakhsiyadiisa aadan aqoon, dhaqankiisa baran, dabeecadihiisa aadan baran, waayo qof aanad wanagiisa iyo xumaantiisa kala baran lama wadaagi kartid nolol.

3-QURUX IYO HANTI


Waxa ugu badan ee maanta haweenka damacoodu yahay waa qurux iyo lacag waxa burburka qoyska iyo qalbiyada dhaawacan sababayna waa labadaa.
Haku dooran qurux, haku dooran lacag, haku dooran wax barri dhamaanaya. Horaysii diinta iyo dhaqankiisa qofkaa aad dooranayso oo ku dooro dhaqan wanaagsan, dabeecad wanaagsan, diin, dadnimadiisa iyo shakhsiyadiisu waxa ay tahay.
Dooro qof aan aduunkan laga aqoon balse samada iyo alle agtiisa laga yaqaan, ha dooran qof qurux badan balse dooro qof noshaada qurxin kara, adiga ku qurxin kara, dooro qof jacaylkiisu aanu ahayn mid barri dhamaanaya dooro qof aad naftaada iyo noloshada ku aamini karto. Quruxda iyo lacagtu waa dhamaanayan barri balse jacaylka iyo wanaaga iyo dadnimadu maaha qaar dhamanaya.
Si aadan barri uga qoomamayn ku qiimee qofka aad dooranayso diintiisa, dhaqankiisa, dabeecadiisa, dadnimadiisa, wanaagiisa, jacaylkiisa, balse yaanay ku indho tirin muuq iyo maal barri dhamaan kara.

4-HUBSIIMO LA'AAN


Hubsiimo halbaa lasiistaa bay somalidu ku maahmaahdaa.
Inta inanta hadalo macaan iyo erayo qalbigeeda jilcinaya lagu harqiyo ayay hubsiimo la'aan god ku dhacaysa dabadeed ay dabada qabsanaysa wiil toban xumaanood soo maray oo noloshiisu holcayso iyadoon waxba iska hubsan, hadhaw marka ay xaqiiqada la kulantana ay odhanayso miyaan hubsaday jacaylbaa i haleele gabadhyahay yaanu jacaylku ku indho tirin.
Yaanay ku hodin hadalada macaan iyo erayada soojiidashada leh ee lagugu harawsanayo si HAYE lagaaga helo. Iska miisaan waxa lagugu odhanayo iska qiimee oo hubso qofkan waxa uu kula damacsanyahay, ma dantiisu wataa mise dantaada ayuu wadaa kala hubso oo iska tijaabi qofkan waxa uu yahay hana ku degegin, degdeg shaydaanba lehe.

Afartan qodob waa waxyaabaha ugu badan ee sababa in gabadhu wiil xun doorato oo hadhawna nolosheeda ka qoomamayso.
Iska ilaaliya hablow in wiilka aad ku doorataan qodobadan aan soo sheegnay, midka aan aad idiinku adkaynayaana waxa weeye in aad degdega isla ilaalisaan jacaylkan degdega ah ee markaaba indhaha idin qabanaya, qof aydaan noloshiisa dabo ilaa dacal ogaanin waxa uu yahay noloshiina haku aaminina.
Hablow qaalibaa tihiine Hubsada cagta meeshaad dhigaysan.

Waxa Qoray: Barkhad Xasan

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya...

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...