Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo • Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya. • Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...
1- KA KAC HURDADA AROORTII 5 AM Kicista xilli hore aroortii waxa ay la macno tahay in aad ka horayso qofwalba, xilli hore oo aad toostaana waxa ay ku siinaysaa faa'idooyin badan oo aad ku maarayso wakhtigaaga sida in aad samayso jimicsi, in aad dejiso qorshahaaga maalintaas, in aad hore u dhamayso hawlahaaga ganacsi ama shaqooyinkaaga nolol maalmeedka kuu ah iyo in aad wax soosaar naf ahaaneed samayso. Waa dariiqo aad u cajiib badan oo lagu gaadho guulo badan oo adduun iyo aakiro ah. 2- QOR AFKAARTAADA INTA AADAN SEEXAN Qorista afkaartaada inta aadan seexan waxa aad ka helaysaa hurdo wanaagsan oo tayo leh maskax degan iyo caafimaad qab jidheed, hadaba qor waxyaabahan inta aadan seexan amaba hurdada kahor habeenkii. Waxyaabaha iyo goolasha aad barri qabanayso haddii Alle nafta kuu daayo Waxyaabihii aad ku guulaysatay maalintaadii dhamaatay qabashadooda Afkaarta madax xanuunka leh amaba kugu lidka ah si aad uga nasato. Waxa aad heli doontaa maan fayow iyo maskax caafimaad qabta. 3-...