Skip to main content

Posts

Showing posts from October 6, 2024

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

SABABAHA KEENA IN GABADHU DOORATO WIIL XUN

    Dunidani marba marka kasii danbaysa waa ay isasii badalaysa dhaqamo iyo dabeecado kala duwan ayaa kusoo biiraya. Is badalkaasina waxa uu saamayn xoogan ku yeelanayaa dhalinyarada hablo iyo wiilalba. Halkan waxaan kugula wadaagayaa sababaha keena in gabadhu ay wiil xun doorato amase qof nolosheeda burburiya oo ah ka qoomamayso inbadan. 1-TECHNOLOGYADA OO SAAMAYN TABAN KU YEELATAY DHALINTII Marka la barbar dhigo dhaqamadan maanta jira kuwii dadyawgii hore waxaad dareemaysa in wax badan is badaleen Tan iyo intii ay technologyadan casriga ahi kusoo biirtay aduunkana waxaa sii dabar go'ayay dhaqamo badan. Jacaylkii iyo haasaawihii waxaa loo badalay hab cariyayasan oo ah (Online) qofwaliba wuxuu maanta dhex mushaaxayaa baraha bulshada iyo technologydan casriga ah si uu u helo qof uu la haasaawo amaba sheeko jacayl dhex marto taasina ay sababtay in ay isbadasho noloshii xaqiiqada ahayd . Inantii waxay dhex taagantahay baraha bulshada waxay wada sheekaysi la yeelanaysa wiilal bada...