Skip to main content

Posts

Showing posts from July 31, 2022

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

DAYACA WAAJIBAADKA ALLE (SWT)

Waxyaabaha ugu waawayn ee aynu maanta ku garan karno in adduunyadu qalbiyadeena degtay waxaa kamida inaynu ka tagnay oo ilownay waajibaadkii ilaahay ina saaray inakoo ka doorbidnay inaynu fulino waajibaad shakhsiyaad iyo bani aadan ina saareen. Waajibaadka ilaahay ina saaray ee aynu ka tagnay waa salaadii, cibaadooyinkii iyo caabudidii ilaahay inakuna waxaynu u janjeedhsanay shakhsiyaadka aynu u shaqayno ama hawlo u qabanayno inaynu waajibaadkoodii horaysiino kii rabbina aynu ka tagno. Tusaale - waxaad ka shaqaynaysa meherad shaqadana qof ayaa kuu dhiibtay wuxuuna waajib kaa saaranyahay inaad ilaaliso dayactirto xisaabta ilaaliso si fiican u shaqayso bal kawaran hadaad tidhaa shaqada markaan doono ayaan imanayaa markaan doonana waan iska seexanayaa dee waa lagaa eryi shaqadaa xaqiiqada marka laga hadlana sida ugu wanaagsan ayaad u gudataa ugana soo baxdaa waajibkaa qofkaad u shaqaynaysa ku saaray balse maxaa kuu diiday inaad gudato waajibkii allihii adiga ku abuuray ku saaray oo aad sh...