Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo • Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya. • Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...
Dadka qaar marka ay nolosheena kusoo biirayaan kama fekaraan dhamaadka xidhiidhkaas natiijada ka dhalan doonta, laxaw iyo caashaq inta ay qalbiyada ku marin habaabiyaan ayaa ay cidlo kaga tagaan naf iyo ruux u boholyoobaysa una baahan dareenkii lagu abuuray, mararka qaar doorashadu waa ay inaga xumaataa oo dad aan nolosheena dhaxal u ahayn ayaynu isku halaynaa una malaynaa in ay yihiin qaar ilaa dhamaadka nolosha inala soconaya se xaqiiqada ayaa ah in qofwalba xasuus iyo dareen kaaga tagayo, in aynu cidlada iyo murugada u kaliyoono xasuusahana aynu maxbuus u ahaano waa sabab ka timid doorashadii aynu dooranay qof aan nolosheena ku haboonayn amaba se aynu aqbalnay wax aynaan ogayn dhamaadkiisa, wakhtiyada qaar in aad jacaylka iyo dareenka ka waantowdo ayay danta noloshaadu ku jirtaa.
Barkhad Hassan

Comments
Post a Comment