Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

SAMIR, ADKAYSI, DAD LA DHAQAN

 



Sadexda ugu muhiimsan nolosha ee ay kasii farcami karaan boqolaal sababood oo aad ku noolaato.
Xaqiiqatan dunidan aan ku noolnahay qofba sibuu u noolyahay, qofba meel ayuu ku noolyahay, qofba waxbuu ku noolyahay yacni qofwalba nolosha heerbuu ka taaganyahay, waxaa jira sidookale waxyaabo la xaqiijiyo guulo la gaadho, guuldarrooyin lala kulmo, dhaawacyo, dareeno xanuun kulul, cidlooyin, duruufo, marxalado kala duwan oo noloshu saldhig u tahay, hadaba waxaan eegi doonaa waxyaabahaas aan soo sheegnay qofwalba sida uu noloshiisa ugu maareeyo uguna noolyahay.
Sadexdan aan kula wadaagayaa waa sadex aad noloshaada ku maarayn karto hadii aad adeegsatana aad macalin isku noqonayso adigu.

1- SAMIR

Samirku waa waxyaabaha ugu awooda badan ee lagula dagaalamo caqabadaha nolosha sida inaad quusato in ay noloshu kugu adkaato yacni inaad samirto waxad ku helaysaa xamil iyo adkaysi inaad xamisho wakhtiyada ugu adag noloshaada duruuf kasta iyo marxalad kasta oo ku haysata hadii aad samirto waxaan hubaa inaad ka gudbayso.
Samirku wuxuu sidookale kamid yahay diinta kitaabka quraanka waa lagaga waramay sidookale axaadiista rasuulka (scw) waa lagaga warramay tan waxa aad ku ogaan kartaa inaad baadho oo aad ogaato dariiqooyinka fudud ee ilaahay inoo sheegay inaynu si werwer la'aana ugu noolaan karno.
Dadyowga ugu adkaysiga badan waa kuwa ugu samirka badan noloshu waa halgan waxaanad ku jirtaa dagaal waxaa kusoo gaadhaya inta aad halgankaa ku jirto dhaawacyo, guuldarrooyin, niyad jab, murugooyin iyo qaarkaloo badan waxaanad ku dhaafi kartaa samir iyo adkaysi.
Samirka kaasho si aad caqabad walba uga gudubto una gaadho yoolka iyo hiigsiga aad nolosha ka leedahay.
Shaqooyinka iyo ganacsiga, waxbarashada, saaxiibtinimada iyo jacaylka, dhamaan wadiiqooyinka kala duwan ee noloshu waxay u baahanyihiin samir si walba oo noloshu kuugu adkaato waa in aad samirtaa waa in aad u samirto ka dhabaynta hadafyada aad nolosha ka leedahay.

2- ADKAYSI

Haddiiba aad rabto hiigsiga iyo yoolka aad nolosha ka leedahay inaad ka midho dhaliso waa in aad la timaad adkaysi inta aad safarka noloshada, safarka guushaada ku gudo jirto waxaa kaa hor imanaya marxalado qadhaadh iyo wakhtiyo kuu sababi doona murugo iyo qalbi jab kuwaas oo aad kaga gudbi karto adkaysi yacni in aad xamisho culayska kusoo wajahaya.

Adkaysigu waa waxyaabaha lagu gaadho guusha, Adkaysigu waa waxyaabaha laga dhaxlo geesinimada adkaysigu wuxuu kaa dhigayaa qof adag oo aanay liicin duruufuhu qof adag oo aan ka rajo beelin hadafkiisa marka uu guul darraysto.
Noloshu waxay leedahay wakhtiyo xanuun badan laga yaaba in aad jacaylka iyo waayihiisa la nooshahay, laga yaaba in aad duruufo dhaqaale la'aaneed la nooshahay, laga yaaba in aad ku guul darraysatay ganacsi, laga yaabaa in aad qalbi jab wayn kala kulantay shaqo la'aan kusoo wajahday, waxaas iyo kuwo kasii  badanba waxa aad kaga gudbi kartaa waa adkaysi iyo inaad naftaada ku kalsoonaato, haddii aad ku hawllantahay horumarinta noloshaada waxaa qasab ah inaad caqabado badan la kulanto iyo marxalado aad u adag oo aad ku dhawaato quus balse waxa aad kaga gudbi kartaa adkaysi noqo qof ad adag oo wajihi kara marxaladaha nolosha kuwooda ugu adag.

3- DAD LA DHAQAN

Marba haddii aad ugu talo gashay inaad ku noolaato meelwalba oo horumarka noloshaadu ku jiro waxa qasab ah in aad bulsho iyo dad kala duwan la noolaato isla wakhtigaas waxaa lagaaga baahanyahay in aad la dhaqanto bulshada in aad fahmi karto hab nololeedka aad kula jaanqaadi karto bulshada aad la nooshahay haddii ay noqoto shaqo iyo haddii ay noqoto waxbarasho waxaa la jaanqaad wanaagsan kuu samayn karaa waa dad la dhaqanka.
Dad la dhaqanku waa in aad cidwalba oo wax idin dhex maraan  is fahmi kartaan waa in aad la jaanqaadi karto oo aad la noolaan karto cidwalba oo dano nololeed isku kiin xidhaan.
Shaqada, waxbarashada, ganacsiga, safarka, xidhiidhada nolosha ee kala duwan jacaylka iyo saaxiibtinimada, waxaas oo dhan waxay kaaga baahan yihiin dad la dhaqan wanaagsan iyo la jaanqaad qurux badan taasi waxa ay kugu kaalmaynaysa in aad gaadho yoolkaaga iyo horumarkii aad noloshaada la rabtay.
Dunida meelwalba oo aad tagto waxa aad la kulmaysaa dadyow kala duwan iyo dhaqamo kala duwan si markaa aad danahaaga u fushatana waa in aad la timaad dad la dhaqan iyo la jaanqaad waa in aad noqoto qof furfuran oo ay is fahmi karaan bulshada waa in lagula shaqayn karo lagula baran karo lagula ganacsan karo lagula saaxiibi karo xidhiidh lagula samayn karo, waxaas oo dhan ugama socdo in aad noqoto qof dhul yaal ah oo lagu dul socon karo balse waa in aad noqoto qof adag oo isku kalsoon bulshadana la dhaqmi kara dad la dhaqan wanaagsan yeelo si aad bulsho walba ugu dhex noolaan karto.

Barkhad Hassan
Feb 17 2022

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya...

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...