Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

BARO XIRFAD CUSUB


Dunidu maanta casribay noqotay (digital) waxwalba waxaa ay noqdeen fudayd waxbarashadii, cilmigii, aqoontii, ganacsigii, xirfadihii iyo waxwalba oo maankaaga kusoo dhaca naftaaduna jeclaysato waxay isku badashay duni qofwalba si fudud ku horumarin karo noloshiisa.

Halkan waxaan kugula wadaagayaa waxa ugu wanaagsan ugu fudud uguna koritaanka badani in uu yahay xirfada, xirfadu noocay doonto ha ahaato mida aad barataaba waxay noqon doontaa dhaxal aad adigu iska leedahay dunidana meeshaad doonto wax kaga cuni karto, sidoo kalena aad kaga shaqaysan karto. Maanta inaad xirfad cusub barataa way sahlantahay wayna fududahay, xirfadaha ayaa sii kala duwan qaar ku shaqayntooda ayaa adag qaarna ku shaqayntooda ayaa fudud, inaad makaanik, gaadhi maydhe, guri dhise, laydhle i.w.m noqotaa way adagtahay ku shaqayntoodu sikastoo aad lacag uga faa'idayso hadana waa inaad xoogaaga ku shaqayso. Sidookale inaad graphic designer, web developer, online marketer, video editor i.w.m noqotaa way fududahay ku shaqayntoodu xoog kuma shaqaynaysid ee maskaxdaada ayaad ku shaqaynaysaa. Hadaba wakhtigan casriga ah way fududahay inaad shaqooyinkan maskaxda u baahan barataa, online ayaad ku baran kartaa, courses gaagaaban ayaad ku baran kartaa, college offline ah waad ku baran kartaa iyadoo mudo gaaban lagugu barayo, sidookale iyadoon cidi ku barin waad is bari kartaa adigu adigoo adeegsanaya computer kaaga ama mobilkaaga iyo internet.

Hadaba xirfadahan digital ka ah waxay kaaga baahanyihiin kaliya inaad wakhti galiso sidookale aad barato xirfada aad ku wanaagsantahay ee aad horumar ka gaadhi karto, haddii aad isku qasabto wax aanay naftaadu jeclayn oo aanay raaxo ku dareemayn meel fiican kama gaadhaysid sidookale ha u baran hebel/hebla ayaa bartay ana waan baranayaa ee markasta xooga saar waxa aad ku wanaagsantahay ee aad si xiiso leh ugu shaqayn karayso, sidookale iska ilaali xamaasada maalmaha ama bilaha ah ee kadib marka ay kaa baxdo aad joojinayso waxaad baranaysay dadku waxa ay u badanyihiin qaar hiyi kaca ama xamaasad daran ay qaado marka looga sheekeeyo ama ay arkaan cid baratay oo horumar ka gaadhay xirfadaha qaar ama wax aysan aqoonin. Isku day inaad xooga saarto hal xirfad oo kaliya midaas marka aad horumar ka gaadho isku day kuwa kale waad baran kartaa xirfado kala duwan tusaale ahaan haddii aad barato naqshadaynta(graphic design) way fududahay inaad barato muuqaal hagaajinta(video editing) sidookale way fududahay inaad barato sawir qaadista(photography) tusaale kale hadii aad barato rinjiyaynta(painting) way fududahay inaad barato guri qurxinta(home decoration) sidookale way fududahay inaad barato faarada(furniture).

Talooyinkan iyo tusaale yaashani waxay kaa caawinayaan inaad barato xirfad cusub iyo qaabka aad u baran karto iyadoo noocyo kala duwan leh, waxaan kugula talinayaa inaad barato xirfad aad ku wanaagsantahay oo aad midho dhal ka gaadhi karto waxaan hubaa xirfadaas markaad ku shaqo tagto inaan lagu waydiin doonin shahaado jaamacadeed, shahaado iskuul, qabiil, reernimo i.w.m oo waxaa aad ku shaqaynaysaa(xirfadaasi) ay masuul kaa noqon doonaan dadkuna kugu dooran doonaan, kaliya waxaa lagaa rabaa inaad shaqadaada iyo waxqabadkaaga wanaajiso si dhamaystirana ugasoo baxdo masuuliyada laguu igmaday noocay doonto ha ahaato. Ugu danbayn haddii aad rabto inaad heersare ka gaadho xirfadaada iyo aqoontaada haku raadin lacag ama dhaqaale kaliya ee markasta xasuusnow inaad wax cusub kasii barato waxa aad taqaan tusaale ahaan haddii aad hesho shaqo lacag yar lagu shaqaynayo balse ah xirfada aad taqaano ee aad ku wanaagsantahay ha uga tagin lacagtaas yar ee dooro oo ku shaqee sababtoo ah shaqadan waxa aad ku helaysaa aqoon mida aad taqaan kasii badan sidookalena shaqo tan kasii wanaagsan sababtoo ah albaaba albaab ayuu sii furaa, iskuday waxa aad taqaan inaad tabobar(training) ku qaadato marwalba adoon lacagta eegayn waxaan hubaa inaad horumar aad u wayn ka gaadhi doonto.


Barkhad Hassan

Graphic Designer

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya...

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...