Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

MAXAY NOLOSHU ISKU BADASHAY ?


Dhaqamada adduunka oo dhan hadaad Isku keento isna barbar dhigto Heli maysid natiijo shegaysa 

Wadankasi dhaqankisa Ayu ka guuray 

Balse hadaad uso gudubto Soomalida 

Meelwalba oo ay addunka kaga Noolyihin 

Waa dadka kaliya ee ka tagay dhaqankoga %90 

Waxaan soo qaadan doona oo aynu dul istaagi doona qodobo dhawr ah islamarkaana saamayn aad u wayn ku yeeshay dhaqanka iyo islamnimada soomalida 


1-QURUXDA


Maan qeexin kaligay quruxda oo boqolaal mawduuc ayaa laga diyaariyay inbadanna aad badankinu akhrisateen/daawateen/dhagaysateen

Balse aan milicsano sababta aan usoo qaatay 


Isbadalka dhaqanka Marka laga hadlo waxaa kow u ah quruxda oo la raadiyo isla markana quruxdu Isku badasho waxan quruxbadnayn dhaqan ahan iyo diin ahan dhalinyarada Somalida wiilal iyo gabdhaba sanadahan u danbeyay aadbay uga durkeen dhaqanka soo jireen ka ah ee Somalida umad walbana waxay ku faanta dhaqankeeda halka ay iyagu ka faanan dhaqankooda.

Dhanka dumarka hadaan soo qaadano weliba xaga dhalinyarta waa Isbadalka Ugu wayn uguna saamaynta badan, dumarka waxa lagu yaqaana sharaf Asturnaan iyo dhaqan wanagsan iyo diin 

Balse Marka gabadhu tuurto xijaabka quruxdedana ay ka dhex raadiso make up isla markaana dhextimaad bulsho noocwalba is kugu jirta suuqyada goobaha ganacsiga 

Halkuu dhaqanku yaala meese dhaqanka ay ku faanaysa 

Dhaqanka wanaagsan ma waxa weeye midka Inta social media laso fadhiisto waxwalba la samaynayo 

Dhaqanka wanagsan ma waxa weeye Isku ekaysiinta iyo ku dayashada gaalada dhaqanka wanagsan ma waxa weeye cayda iyo aflagaadada lalasoo fadhiyo shaashadaha technologyada 

Ma Inaad Caan noqoto Ayaad dhaqan gaaled iyo mid Xun u raacaysa gabadhyahay 

Quruxduse ma shalmad lahuwadaa oo qaybna ku banaantahay ma adoo qaawan bulshada dhex imaa 

Subaxanallah 

Maya maya maya gabadhyahay

Bal dib u milicso dhaqankii somalidii hore 

Bal dib u milicso dhaqankii saxaabadii rasulka(scw)

Sidee loo dhaqmaa sideese laysku qurxiyaa 

Waa maxay quruxda aad raadinaysa sidanaabad ku quruxbadanthye oo ilahay kuu dooray kuuna abuuraye 

Waa maxay dhaqanka aad raadinayso ee ka wanagsan dhaqankaga somalinimo ee ilahay hiboda kuu siyay 

Een culayska lahayn een foolxumada lahayn een ceebta lahayn ee weliba ku salaysan dhaqan diinta islaamka ah 

Gabadhyahay muslim ayaa tahay laguuma abuurin Inaad Isku ekaysiso gaalo lagumana abuurin Inaad ka gudubto xadka ilaahay quruxdada ka dhigay.


Is badbaadi walashayey imikaad dhawdahee oo jooji dhaqamada xunxun oo jooji quruxdan foosha Xun 

Hogaami naftada kuna hogaami hilinka toosan 

Bari ilaahay oo towbad keen oo diinta dib uguso laabo 

Ka hadh dhaqamadan gaalada jooji heesaha aad dhagaysanayso jooji heesaha aad Isku ruxayso adoo qiiraysan jooji dhaqan kasta Oo ka hor imaanaya diintada dhaqankaga islamnimo iyo sharaftada Waxad tahay walashayeey mida ugu quruxda badan dumarka caalamka kunool Waxad tahay mid ilaahay u abuuray sida Ugu quruxda badan ee bani aadam u abuuran yahay 

Jooji oo badbaadi naftada noloshada diintada dhaqankaga Inta Aanad ka qoomamayn maalin aysan cidi waxba kaa maqlayn.


Wiilasha waxa sababay inay dhaqanka ka guuran aya Wuxu yahay fahan la'aan ka haysata nolosha iyo dhaqanka ma ogtahay walaal in quruxda nolosha ay tahay dhaqanka iyo diinta 

Haddii Aad fahanto sababta aduunkan laguu keenay 

Iyo ujeedada noloshaada lumi maysid weligaa 

Waanad guulaysan adduun iyo aakhiroba 

Quruxda iyo dhaqanku maaha Inaad shabahdo gaalo dhaqankooda mana aha waxay sameeyen inad samayso mana aha halkay mareen inad marto 

Mana aha in aad hees ku dul ciyaarto Adigoo is ruxaya 

Kuna dayanaya gaalo dhaqankooda 

Maaha dhaqankeena In Aad tiktok kaso qaylo dhaamiso 

Maaha dhaqankeena In Aad social media aflagaado lasoo fadhiisato wax noloshada qiimo tirayana aad wakhtigaga ku lumiso...

Dharka oo aad Isku dhajiso timaha oo aad Kala gaabiso 

Xumaanta oo aad wanaag u badalato Cibaadada iyo diinta oo aad ka durugto maaha dhaqankeena 

In Aad wakhtigaga ciyaar aad daawato ku lumiso 

In Aad wakhtigaga musaarico ku lumiso 

In Aad wakhtigaga games ku lumiso 

Maaha dhaqankeena mana aha wax horumar ku gaadhsinaya walaal jooji dhaqamadan xunxun 

Ilaahay usoo noqo oo qurxi noloshaada kuna qurxi diinta islaamka iyo dhaqankeena suuban ee somalinimo ku dayo rasuulka(scw) Mar Halkuu maray waad guulaysane.

Lasoco Qaybta 2aad


Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya...

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...