Skip to main content

MAAN GUURSAN WELI WAANAN MASAYR BADANAHAY

• Markaan arko marwadaa la qabee maryo khafiifa kusoo mayrac tagaysa casarkii suuqana dhex meeraysa habeenkii waaban muraaradilaacayaa.

• Markaan arko marwadaa la qaboo moobil wayn dhagta ku haysa Miyirkeeduna meelfog ku maqanyahay waaban muraaradilaacayaa.

• Markaan arko marwadaa la qaboo biilkii tunku kusoo murxay saygeeda ku marsanaysa dawo midabkeeda badalaysa waaban muraaradilaacayaa.

• Markaan arko marwadaa la qaboo madaxeeda banaysoo mijahana kor uga fayday maradii raguna wada milicsanayaan Iyadunamoodayso inay asturantahay waaban muraaradilaacayaa.


Tolow marwadaan guursado maxan ka yeeli doonaa.?


©barkhadhassan

4-July-2020
 

Comments

Post a Comment

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

HAMMI

DHIIRRI GALIN

 

BOQOL WEJIILE

Dadka qaar waxaa jira dadka kula nool boqolaal weji haddii aad aamintana wejiyadooda mid kamida ayay kugu dhaawacayaan ( khiyaamayaan) waana kuwa markasta dhaawaca qalbiyada daacada ah iyo shakhsiyaadka wan wanaagsan. Iska ilaali dadka qaar inaad si fudud ku aaminto waxaa laga yaabaa maalin maalmaha kamida inaad ka qoomamayso degdeguna ma wanaagsana, laga yaabaa inaad jacayl u qaado oo aad qalbigaaga siiso qof aan u qalmin oo ku khiyaami kara ku dhaawici kara kalsoonidaada dili kara ka feejignaw qofwalba oo aad xidhiidh la samaynayso si fududna haku aaminin. - BarkhadHassan