Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

LAMMAANAHA NOLOSHA

HAKU DOORSAN SAACADO AAD MURUGOOTO MID AAN DHAMAANAYN NOLOSHA OODHAN 


QOFKA AAD JECESHAHAY QALADADKA DHEXDIINA KA DHACAYA WAXAY SABABI KARAAN INAD SAACADO AMA MAALMO MURUGO KUKALA MAQNAATAN BALSE HAKU DOORSAN SAACADAHA MURUGADA AH MID KASII DHEER OO AH NOLOSHA OODHAN MICNUHUNA YAHAY HAKAGA TAGIN QOFKA AAD JECESHAHAY QALADKA YAR EE DHEXDIINA KA DHACAY UNA ADKAYSO SAACADAHA MURUGADA AH WAAYO UMA ADKAYSAN KARTID NOLOSHADA OODHAN INAD MURUGOOTO 


LAMAANAHA IS JECELI KUMA KALA TAGAAN HAL QALAD IYO WAX KABADAN WAAYO WAXAY OGYIHIIN IN AYSAN KALA TAGITAANKAA KA DHAXLAYN WAXAN MURUG IYO WALBAHAAR NOLOLEED AHAYN


LAMAANAHA IS JECELI IN MIDBA CIDLO KU MURUGODO WAXAY KA DOORBIDAAN IN AY ISKU AG MURUGOODAN IYAGOO DHABTA ISKU HAYA 

WAAYO WAXAY OGYIHIIN IM AANU TAFARAARUQU KEENAYN NOLOL DHISAN NOLOL BURBURTA MOOYE


U DULQAADO LAMAANAHAGA U NAXARIISO QOFKA AAD JECESHAHAY U DABACSANAW MARWALBA 

OGOWNA IN ISU TANAASULKA IYO IN LAKALA ROONAADA AY KOBCISO HORUMARKA LAMAANAHA 

HORUMARKA NOLOSHA IYO MIDA QOYSBA


KALSOONIDU WAA TIIRKA ISKU HAYA LAMAANAHA IS AAMINAADU WAA ISKU DHIIBASHADA QALBIYADA NAFAHA NOLOSHA DAACADNIMADU WAA HUBKA AY LAMAANUHU KULA DAGAALAMAN SHAKIGA IYO MASAYRKA JACAYLKU WAXA UU SALKA DHIGAA MARKA UU LAMAANAHA DULQAADKA IYO NAXARIISTA IYO ISFAHAMKU DHEXDOODA YIMAAD

HAL QALAD IYO WAX KABADANBA UMA ARKAAN LAMANAHA IS JECELI WAX KALA FOGAYN KARA WAAYO JACAYLKOODA AYAA KA AWOOD BADAN WAXAYNA OGYIHIIN IN AANU KALA TAGITAANKA IYO KALA FOGAANSHUHU KEENAYN NOLOL WAARTA OO KALA MAARANSIISA 


LAMAANAHA SIDA DHABTA AH ISKU JECELI WAA KUWA IS CAAWIYA MARKA XAALADI SOO WAJAHDO WAA KUWA AANAY DURUUFUHU KALA KAXAYN EE SIWALBA ISKUGU QANACSAN 

WAA KUWA YAQAAN SIDA LOO WADA NOOLAADO MARKA DURUUFAHA IYO WAAYAHA NOLOSHU ISKUGU TAGAAN SOONA XIDHMAAN ALBAABADII AY RAJADA KA LAHAAYEEN 

LAMAANAHA SIDA DHABTA AH ISKU JECELI WAA KUWA AAN ADUUNYO ISKU JECLAAN EE ISKU JECLAADA QALBIYADOODA XAADHAN ISKUGUNA KAALMEEYA SIDAY GUUSHA AAKHIRO IYO MIDA ADUUNBA U GAADHI LAHAAYEEN ,

LAMAANAHA SIDA DHABTA AH ISKU JECELI WAY LA DAGAALAMAN CAQABADAHA NOLOSHA SI WADAJIR AH WAY LA DAGAALAMAN CADAWGA KA HORYIMAADA SI WADAJIR AH ,

LAMAANAHA SIDA DHABTA AH ISKU JECELI WAA KUWA DHAN UGASOO WADA JEESTA DHALEECAYNTA IYO DHALIISHA AY KU HAYAAN BULSHADA KU HAREERAYSANI , UMANA JOOJIYAAN HADALADA XANAFTA LEH EE KA HOR IMANAYA GUUSHOODA UMANA DHEG DHIGAAN WAXAY HAREEROHOODA KA LEEYIHIIN DADKA KA XUN ,


LAMAANAHA SIDA DHABTA AH ISKU JECELI WAA KUWA ISKU QARSADA SIRTOODA ILAALIYA SHARAFTOODA SI WALBA OO DHIB DHEXDOODA UGA DHACDANA AAN TUSIN DADKA SI AAN LOOGU TILMAAMIN QAAR DACIIFA ,

LAMAANAHA SIDA DHABTA AH ISKU JECELI WAA KUWA ISKUGU KAALMEEYA GUUSHA , WANAAGA , 

HORUMARKA , IYO WAXWALBA OO RABI KU JECLAANAYO ,

LAMAANAHA SIDA DHABTA AH ISKU JECELI WAA KUWA AAN KU MASHQUULIN DHALDHALAALKA ADUUN IYO ISBADALADA KA DHACAYA KAWNKAN

KALIYA WAA KUWO KU QANACSAN NOLOSHOODA WAXWALBANA WAA KUWA ISKU JECEL SIKASTA OO AY YIHIINA WAA KUWA ISKU JECEL.


©BarkhadHassan

5_December_2019
 

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya...

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...