Skip to main content

Qormadii U Danbaysay

Fanka Sii-deynta: Sida Looga Xoroobo Culaysyada Maskaxda iyo Xasuusaha Hore

Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. ​ 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. ​ 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo       • ​Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya.       • ​Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...

MAANSO: Miyaanad Ogayn Inaan Ka Dawoobay Caashaqa

Inanyahay dabadaa haweenkaba waan ka durkaayo 

Dibnahaba uma furo Iguma duxo hadalkodu 

Dafdaftii horiyo waan daayay dookh raadiso

Mar hadad i dagtay marlabad dabin Ku dhici maayo

Digtooniban qabayo danaysatan iska difacaye

Miyaanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 

Dorraad khaladkii dhacay dulqaadkan u lahaa 

Damiirka diiday maanto Duugi maayo noloshayda 

Kurbo Disha Maankaygana Ku Doorsan mayo farxdayde

Keliniman door bidee Miyanad ogayn inan ka dawobay cashaqa  

Qalbigan dawobee dihaalki ka raystay 

Damqashan ka dhawrayo 

Sidi dhalaan an dibad baran waan daryeelayo

Dakhar labad la doonan maaye 

Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 

Walee mid igu dan gaadha naftayda dulaysa 

Duruuf aan jirin kuso darta wayaha noloshayda 

Kelmad usii dayn maayo waan ka daboolan afko 

Daqiiqad siin maaye Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 

Dunidan halawdee Daadahayso Gaaladu 

Dariiqoda mid raacda Facebook laga dugaashado 

WhatsApp dul meeraran lagu daldalaayo beenta 

Caqligeed dabri waayay diintana haleeli wayday 

Daacadnimo dugsan wayday waan ka daalay aniguye

Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 

Sooyaalka taarikhda cilmi wixii dilay 

Hodan ka daba geeyay Ku dayan maayo 

Aniguyo anon doonayn jacayl diyaarna u ahayn 

Qof dar-alle u fayow Ku daari mayo 

Dareen aan jirin ku abuuri maayo

Nabsi inan dusha saarto awodi maaye 

Miyanad ogayn inan ka dawoobay cashaqa 

Dignintayda qaado dardaarankayga dhagayso 

Dumarbaa tahay u dooran sharafo 

Dadku waxay kugu qiimeyan hilib bisil inad tahee 

Yaan lagu duufsano dabin yaan laguu dhigin 

Danta noloshadiyo aayahaga danbana dadaalkoda 

Beegso danbigan aad galaysiyo nafsigan aad daydayanayso diintada macan ha uga baydhino

Ha dumin noloshadan dhisane dib u day naftaada 

Dunidan halawdayna dariiqeda ha aadine 

Ducada walidkagiyo duruustod baratiyo 

Cilmi duxa qalbigaga u dooro noloshada

_________________________________________________

Erayada: Barkhad Hassan

Comments

Halkan Ka Eeg Wixii Ugu Danbeeyay

FAHAMKA IYO LA JAAN QAADIDA DAREENKA

Bulshada iyo dadyawga ku nool koonkan waa ay is bartaan waxaanay sameeyaan xidhiidho kala duwan sida Saaxiibtinimada, Jacaylka iyo Xidhiidhada danaha nololeed sidiisaba xidhiidh kastaaba waxa uu u baahanyahay "Isfaham" xeel dheer oo ay labada qof kuwada jaanqaadi karaan kuna meel marin karaan xidhiidhkooda, iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa jira dad gooniya oo la iskugu talogalay in ay is fahmaan kuna rafiiqaan nolosha dadkaasna waxaa la helaa oo kaliya wakhtiyo gooni ah tani waxa ay muujinaysaa in isfaham la'aantu burburiso xidhiidhada noockastaba ha ahaadeene. Xidhiidhka jacaylku waa midka ugu mudan in uu helo laba is fahmaya islana jaanqaadi kara xaalad walba oo ka hortimaadana ku wajihi kara wadajir iyo is aaminsanaan, haddiiba taasi rumowdo waxaa hubaal ah in ay wadajir ahaanayaan noloshooda inta ka dhiman kuna wada noolaanayaan isfaham, kalgacayl iyo xiise joogto ah waana kuwa inta badan ku guulaysta ka midho dhalinta riyadooda jacayl gaadhsiiyana heer qoys ay ya...

Faa’iidooyinka Jimicsiga iyo Dhaqdhaqaaqa Jidhka

  Jimicsigu waa udub dhexaadka caafimaadka, nolosha wanaagsan iyo maskax fayo qabta. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in la sameeyo jimicsi subaxii, gaar ahaan orodka. Orodka subaxdii wuxuu leeyahay saameyn togan oo qoto dheer ku leh nolosha aadanaha sida kor u qaadista caafimaadka, hagaajinta niyadda, iyo kordhinta firfircoonida maalinta oo dhan. __________________________________ 1. ORODKA SUBAXDII: DHAQDHAQAAQ BILAW WANAAGSAN U AH MAALINTA Orodka subaxii wuxuu jidhka ka caawiyaa inuu si degdeg ah uga kaco hurdada, dhiigguna uu si fiican u wareego. Waxaa jirta in markaad subaxii oroddo jidhkaagu uu si dabiici ah u kordhiyo heerka tamarta, taasoo kaa caawinaysa inaad si firfircooni ku dheehantahay u waajahdo maalintaada. 2. FAA’IIDOOYINKA JIDHKA: WADNAHA, MUQAHA IYO XANUUN YARIDA. Caafimaadka Wadnaha: Orodku wuxuu hagaajiyaa shaqada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Wuxuu yareeyaa halista cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, iyo xanuunka wadnaha. Murqaha iyo Lafaha: Jimicsigu wuxuu xo...