Mawduucan Fanka Sii-deynta " The Art of Letting Go " waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa xirfadda qofku u baahan yahay si uu uga xoroobo culaysyada maskaxeed, xusuusaha hore, iyo dareennada xannibaya horumarkiisa. Waa mawduuc muhiim u ah fayo-qabka maskaxda iyo xasilloonida nolosha. 1. Waa maxay macnaha " Letting Go "? Waa go'aan garaad ah oo qofku ku aqbalayo in waxyaabo gaar ah ha ahaadeen xidhiidho fashilmay, khaladaad hore uga dhacay, ama riyooyin aan rumoobin oo aan hadda gacantiisa ku jirin. Ma aha in la ilaawo wixii dhacay, balse waa in la diido in wixii hore ay xukumaan dareenkaaga maanta. 2. Tiirarka Muhiimka ah ee Mawduucani Taabanayo • Aqbalidda ( Acceptance ) Inaad runta waajahdo oo aad qirato in xaaladdu sidii aad rabtay u dhici wayday. Inta aad diidmo (denial) ku jirto, xanuunku ma ahaan doono mid kaa hadhaya. • Is Cafinta ( Self-Forgiveness ) Marar badan dadku waxay isku canaantaan "maxaan sidaas u sam...
Haddii aad akhrido sheekooyinka dadka guulaystay waxaa kow ka ah inay xili hore kici jireen aroortii ilaa wakhti xaadirkoogan, taasina waxay kuu cadaynaysaa in aas aaska guushu ka bilawdo subaxda hore.
Haddii aad caadaysato inaad xili hore kacdo waxaa marag ma doon ah inaad wax wayn xaqiijinayso noloshaada, haddiise aad hurdada ku raagto waxaad soo kici iyadoo arsaaqdii la qaybsaday qofwalbana ku toosay hadafkii uu nolosha ka lahaa adiguna aad tahay qofka dadka ugu danbeeya marwalba oo aad ugu danbaysana waxaad u dhawdahay inaad guuldarraysto noqo marwalba midka kaalinta koowaad kaga jira maalintaa si naftaada iyo caqabadaha noloshaada aad uga adkaato.
-BarkhadHassan
Comments
Post a Comment